Xoog haya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in 9 dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya kamid tahay aysan bixin lacagta dalalku bixiyaan si ay cod ugu yeeshaan qorshayaasha golaha guud ee Qaramada Midoobay.
Xooghaya guud ayaa sheegay 9 dal oo Afrikaan ah oo dayntaas lagu leeyahay dalalkaas waxay kala yihiin; Soomaaliya oo lagu leeyahay $1,443,640, Comoros $871,632, Libya $705,391,Congo $90,844,Zimbabwe $81,770,Central African Republic $29,395,South Sudan $22,804,Niger $6,733.
Miisaaniyadda sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay ahaa ah 3.2 bilyan oo doollar. Waxaa sidoo kale jira miisaaniyad dheeraad ah oo loogu tala galay hawlaha nabad sugidda oo gaaraysa 6.5 bilyan oo doollar.
Axdiga Qaramada Midoobay ayaa xubnaha golaha guud oo ka kooban 193 xubnood u oggoolaanaya in aysan bixin qaaraanka golaha haddii ay la soo gudboonaato xaalad ay ka ka hor istaagta bixinta qaaraanka waxaana loo oggolyahay in ay sii wadan karaan codeynta ay ku leeyihiin golaha.