Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in 6 askari ay ku dhinteen qarax miino oo loogu aasay wadada dhinaceeda.
Qaraxa ayaa lala beegsaday wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, waxaana la socday taliyaha ciidanka Danab Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare.
Wafdiga ayaa ka yimid Afgooye waxayna kusii jeedeen saldhiga millatariga ee Ballidoogle. Qaraxa ayaa dhacay markay marayeen degmada Tixsiile, waxaana lagu soo werinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Illo ku dhawdhaw milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dhaawac fudud uu soo gaaray taliyaha ciidamada Danab Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” iyo sarkaal kale, balse ay badqabaan gudoomiyaha gobolka iyo ciidankii kale ee la socday kolonyada.
Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa, waxayna ku sheegeen qoraal kasoo baxay inay qaraxa ku dileen 4 kamid ah ciidamada Danab isla markaasna uu dhaawacmay taliyaha ciidanka Danab.