Natiijooyin hordhaca oo kasoo baxay doorashada madaxtinimo ee dalka Uganda ayaa muujinaya in Musaveni uu hogaaminayo, isago kahoreeya musharixiinta kale ee la tartarmaya.
Codadka latiriyay oo gaaraya %29 ayaa waxaa %61 helay Musaveni.Bobi Wine oo ah musharraxa ugu cad cad dadka la tartamaya madaxwayne Musaveni ayaa ku sheegay in isdaba marin baahsan ay dhacday.
Wine ayaa sheegtay inuu isagu kuguulaystay doorashadii dhacday magaalintii Jimcada, sidoo kale wuxuu ku tilmaamay kaftan natiijada hordhaca ah ee muujinaysa guusha Movaveni.
Musaveni ayaa lagu eedeeyay in uu usocdo is daba marin si uu ugu guulaysto madaxntinimada markii lixaad. Waxaa xiran adeega internetka dhamaan dalka oo idil. Dowladda ayaa sheegtay inay internetka u xirtay si looga hortago rabshado.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashadu ku dhacday si nabad iyo xassilooni ku dheehantahay,