Cumar iq oo ah dhakhtar ka hawl gala isbitaal ku yaala magaalada Pain Bluff ee dalka Maraykanka ayaa wuxuu dayn ka cafiyay 200.Daynta uu cafiyay dhakhtarka ayaa gaaraysa 650 kun oo doollar.
Diktoor Axmed Catiiq oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakstan ayaa 1991 wuxuu aasaasay xarunta dawaynta kasarka Arkansas, isagoo kumanaan qof ka daweeyay xanuunkaas.
Kadib markuu go,aansaday xiritaanka xarunta caafimaad, wuxuu ogaaday in dad badan oo dayn lagu leeyahay aysan awoodin in ay iska bixiyaan daynta sababo la xiriira xanuunka korona fayras. sidaas darteed wuxuu go,aansaday inuu bilawga sanadkaan 2021 oga farxiyo bukaankiisa cafiska daynta.
Waraysi uu siiyay telefishinka ABC wuxuu yiri diktoor catiiq ” kadib markaan aniga iyo xaaskaygu ogaanay in bukaanka qaar kamid ah aysan daynta iska bixin karin waxaan go,aansanay in aan caffinno”.
” Tan iyo markaan bilaabay shaqada dawaynta bukaanka kama fakkari jirin oo kaliya caafimaadkooda ee sidoo kale waxaan ka fakkari jiray xaaladooda dhaqaale xumo uu xanuunka Covid-19 uga sii daray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dad badan ayaa soo dhaweeyay tallaabada dhakhtarkaan qaaday, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid ku haboon xilliga adag ee lagu jiro.