Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyne oo katirsan Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dagaal kudhex maray halkaas malleeshiyaad katirsan ururka Al-shabaab iyo dadka deegaanka ah.
Wararku waxay sheegayaan in Malleeshiyaadka Al-shabaab ay weerareen saldhiga ciidamada dowladda ee halkaas ku yaalla kahor intaysan magaalada gudaha u galin.
Dadka daga Bacaadweyne ayaa kadib is abaabulay weerar rogaal celis ahna ku qaada Al-shabaab. Inkasta oo khassaaraha kadhashay dagaalka uu aad u badan yahay laakiin waxaa magaalada dib u qabsaday dadka deegaanka.
Dadka qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhinaca ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay dagaalka ooga dhinteen dad gaaraya 15 qof, halka ay sheegeen in ay Al-shabaab oga dileen 11.