• About us
  • Contact us
Monday, January 18, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home BULSHO

Xaliima Aadan: ‘Diinteyda darteed ayaan uga haray “fashion-ka”

November 26, 2020
in BULSHO, CAALAMKA
0
Xaliima Aadan: ‘Diinteyda darteed ayaan uga haray “fashion-ka”

Xaliima Aadan oo ku caan baxday xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha kale, ayaa shaacisay inay ka hartay tartannada fashion-ka, maadaama uu meel ka dhac ku yahay Diinta Islaamka.

Gabadhan ka dhooftay xerada qaxootiga ee Kakuma, haatanna ku nool Maraykanka, ayaa farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram waxay ku sheegtay “inay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, oo ay hilmaamtay waxa uu u horseedi karo,”

Xaliima oo kamid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku tagtay waddo lunsan, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.

Farriin kale oo ay soo dhigtay ayaa waxa ay uga hadashay inay garab la’aan ku heshay mihnaddaas, isla markaana aan fahan wanaagsan laga qabin dumarka xijaaban iyo dowrka ay ka qaadan karaan fashion-ka.

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ay marar badan ka codsatay inay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guulaysatay”.

“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay.

Tartanka Quruxda

Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Tartankaas kuma aysan guuleysanin inay noqoto boqoradda quruxda, laakiin intii uu socday waxay baratay labiska lagu dabaasho, oo jirka oo dhan asturaya, una sahlaya inay dabaalato iyadoo aan qaawaneyn.

“Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan gabdhaha kale u sheego inay dabaal aadi karaan iyagoo dharkaas xiranaya, si ay ciyaaraha uga qeyb qaataan”, ayey tiri.

Xilligaas waxyar kadib waxay qandaraas la saxiixatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca xayeysiinta, oo lagu magacaabo IMG models.

BBC SOMALI

ShareTweetShare
Previous Post

Joe Biden oo farriin u diray shacabka Mareykanka

Next Post

War-murtiyeed ka soo baxay shir maalmihii ugu danbeeyay Muqdisho uga socday midowga musharixiinta

WARARKII U DAMBEEYAY

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021
Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

January 17, 2021
Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

January 17, 2021
Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

January 17, 2021
Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

January 17, 2021
Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

January 15, 2021
Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

January 15, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved