Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Baydhabo ee Caasimadda Dowladda K/Galbeed sida ilo wareedyo ku dhaw sheegayaan.
Booqashada Shariif Sheekh Axmed oo loo badinayo inay laxiriirto arrimaha doorashooyinka dalka ayaa waxaa ku wehiliya wafdi ballaaran oo kamid ah mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo Baydhabo kula qaadan doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga dareemayo halkaasi.
Safarka madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa ku soo aadaya, xilli uu shalay Baydhabo dib uga soo laabtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.