• About us
  • Contact us
Monday, January 18, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Joe Biden oo farriin u diray shacabka Mareykanka

November 26, 2020
in CAALAMKA
0
Joe Biden oo farriin u diray shacabka Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ku boorriyay dadweynaha Mareykanka inay dhabarka dhuuqsadaan oo ay u midoobaan dagaalka lagula jiro Aafada Coronavirus, isagoo sheegay in Mareykanka uusan dagaalka ku guuldarreysan doonin.

Biden oo ku sugan magaalada Wilmington ee gobolka Delaware ayaa hadalkan jeediyay maalin ka hor Ciidda isu mahadcelinta ee Thanksgiving-ka oo ku began Khamiista maanta ah, waxuuna ballan qaaday inay jirto rajo dhab ah oo ku xiran in dhibaatada aysan waligeed sii jiri doonin.

Waxuu sheegay in Tallaalkii ugu horreeyay ee lagula dagaallamayo Coronavirus la heli doono dhamaadka bisha December xilligaas oo guud ahaan dadka sida ugu dhaqsiyaha badan loo tallaali doono.

Hadlka Biden ayaa kusoo beegmaya iyadoo milaayiin dadka ah ay safarro ugu jiraan Ciidda Thanksgiving-ka xillia si xooggan ay u kordhayso tirada dadka u dhimanaya xanuunka COVID19 iyo kuwa isbitaallada lagu daweynayo ee gudaha Mareykanka oo gaartay heerkii ugu sarreeyay.

Dadka safraya ayaa ka dhagaha ka furaysanaya farriimaha digniinta joogtada ah ee loogu sheegayo inay guryahooda joogaan islamarkaana ay xaddidaan isu imaatinka Ciidda Thanksgiving-ka, taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo laba kacleynta xowliga ku socota iyo dhimashada Covid19 ee inta lagu jiro xilliga ciidda ee bisha December.

Iyadoo dad badan ay safreeen Talaadii ayaa tirada dhimashada maalinlaha ah ee Covid19 uu sababay ay gaartay 2,000 oo ruux markii ugu horreysay tan iyo bishii May.

Sidoo kale Talaadadii ayaa isbitaallada la dhigay 87,000 oo ruux kuwaas oo uu soo ritay xanuunka waana tiradii ugu badneyd ee kiisas hal maalin ah intii uu cudurka soo billwoday.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa gudaha Mareykanka laga diiwaan galiyay 2.3 million oo xaaladood oo Coronavirus ah.

Hay’adda maareynta iyo ka hortagga cudurrada faafa ee Mareykanka ayaa ku boorrinaysa dadka inay guryahooda ku nagaadaan islamarkaana ay yareeyaan dabbaaldaggyadaooda Ciidda Thanksgivin-ka ee isu mahad celinta.

VOA SOMALI

ShareTweetShare
Previous Post

Shariif Sheekh Axmed oo maanta Baydhabo tagaya

Next Post

Xaliima Aadan: ‘Diinteyda darteed ayaan uga haray “fashion-ka”

WARARKII U DAMBEEYAY

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021
Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

January 17, 2021
Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

Go,aanada ugu horeeya uu qaadan Joe Biden

January 17, 2021
Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

Beeralayda Gobolka Gedo oo ka cabanaya ayyax xaalufiyay

January 17, 2021
Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

Qarax dhacay G/Shabeelada Hoose oo ay kudhinteen 6 askari

January 17, 2021
Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

Museveni oo hogaaminaya codadka hordhaca ah ee kasoo baxay doorashada Uganda

January 15, 2021
Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

Trump oo ka xir-xiranaya Aqalka Cad

January 15, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved