Madaxwaynaha Maraykanka Donudl Trump ayaa diiday in uu hoos udhigay khattarta uu leeyahay Covid-19. Arrintaan ayaa daba socotay sheeko dhexmartay isaga iyo wariyaha Bob Woodward, Trump ayaa usheegay wariyaha in si aysan dadku u argagixin uu hoos udhigay khattarta fayraska.
Barnaamij ay soo qabanqaabishay shabaka ABC ayaa Trump isagoo kajawaabaya sababta uu yasahay fayraska dilaaga ah ayuu sheegay in uu tallaabooyinka uu qaaay ay ahaayeen kuwa waawayn oo waxtarle.
” Kumanaan qof oo kale ayaa naga dhiman lahaa haddii aanan xayiraada safarada dibada soo rogi lahayn, nafaf badan ayaan badbaadinay” ayuu yiri Trump. Sida ay sheegtay jaamcada Johns Hopkins dalka Maraykanka waxaa Covid19 u geeriyooday dad gaaraya 195,000 oo ruuxi tan iyo markuu bilawday.
Trump ayaa sheegay in tallaalka fayraska uu diyaar noqon doono todobaadyo gudahood, laakiin khubarada caafimaadka ayaa cabsi kaqaba in siyaasaddu khattar galiso nafta dadka oo tallaal aan lahubin waxtarkiisa suuqa lasoo galiyo.