Raysal-Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi oo laga helay Koronafayras ayaa sheegay in uu ladirirayo “Xanuun Shaydaan ah”. Siyaasigaan rugcaddaaga ah oo dadiisu tahay 83 sano jir ayaa olole doorasho oo xisbigiisu leeyahay wuxuu ka yiri ” Waxaan halgan kula jiraa xanuun aad u xun”.
Berlusconi ayaa sheegay in baaritaanada loogu sameeyay isbitaalka Raphaeli ay muujiyeen inuu kamid yahay shanta qof ee ugu liita dadka Isbitaalka u jiifa Koronafayras.
Kadib markii Jimcadii lasoo dhaafay laga helay fayraska, wuxuu sheegay in uu dadaal badan bixinayo islamarkaasna uu rajaynayo inuu ka caafimaado xanuunkaan.
Silvio Berlusconi waa siyaasi muddo dheer kusoo jiray siyaasadda Talyaaniga. Wuxuu raysalwasaare kasoo noqday afar xukuumadood sanadihii u dhaxeeyay 1994 iyo 2011. Sidoo kale wuxuu xubin ka ahaa baarlamanka dalkaas 1994-2013.