Madaxwaynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho ayaa ugu baaqay dhamaan bulshada iyo hayadaha gargaarka in ay taakulo lagaaraan dadka waxyeeladu kasoo gaartay fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Madaxwayne Laftagareen ayaa sheegay in caasimada dalka ee Muqdisho u yimid siduu ugala hadli lahaa madaxda Dowladda Federaalka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha kadhacay gobolka Shabeelada Hoose.
Fatahaadda wabiga Shabeelle ayaa waxay waxyeeloo kasoo gaartay kumanaan qoys oo u badan beeralay, walina mamuuqato taageero kufilan ay kaheleen hadday ahaan lahayd hayadaha gargaarka ama Dowladda Soomaaliya.