Arbacadii lasoo dhaafay waxaa lajabsaday bayjajka ay twitter kuleeyihiin dad caan ah oo uu kamid yahay maamulaha shirkadda twitter Jack Dorsey, maalqabeenka ahna mulkiilaha shirkadda Microsof Bill Gates, madaxwaynihii hore ee Maraykankan Barack Obama, maamulaha shirkadda Amazon Jeff Bezos iyo musharaxa madaxtinimo ee Maraykanka 2020 Joe Biden.
Haakariska ayaa waxaa usuurtagashay inay galaan bayjajka dadkaan, waxayna faafiyeen qoraallo ay dadka ku xiran ugu sheegayaan in ay adress gaar ah kusoo diraan lacag Bitcoin ah, iyagoo ballan qaaday in qofkasta helayo labo jibbaar lacagta uu baxshay.
Ogaysiiska ay burcaddu faafiyeen ayaa uqornaa sidaan “ Ruux kasta wuxuu haystaa 30 daqiiqo si uu adreskaas ugu diro lacag, kadibna uu qaato labo jibbaar lacagta uu baxsaday”.
Warbixin kooban oo ay twitter soo saartay ayay ku sheegtay in illaa iyo 130 bayj laweeraray lkn tiro yar oo kamid ah maamulkooda lala wareegay kadibna qoraalo kooban lasoo dhigay.
twitter ayaa sheegtay in ay baaritaan ku hayso sababta keentay in la jabsado bayjajkaan, islamarkaasna ay wixii usoo baxa dadka lawadaagi doonto.