Kadib doorasho loogu tartamay gudoomiya Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland waxaa gudoomiyenimada xafiiska kuguulaystay Siciid Cabdi Muumin.
Wareegga saddexaad ee doorashada waxaa Siciid kula tartantay Marayam Axmed Cali. Siciid Cabdi Muumin ayaa xilka kuguulaystay kadib markuu helay 34 cod. Halka Maryam Axmed Cali ay heshay 28 cod.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa Soomaaliya laga furo ayaa lasameeyay sanadkii 2015.