Wuxuu kulan u socdaa madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed İslaam.kulanka ayaa kasocda xarunta madaxtooyada Galmugu oo madaxwayne Farmaajo daganyahay. kulankan ayaa waxaa ka shaqeeyay raysalwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliye Xassan Cali Khayre iyo madaxwaynaha Galmudug.
Kulanka Farmaajo iyo Axmed Mdoobe ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii Dowladda Federaalka ay diiday natiijada doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe bishii siddeedaad sanadkii 2019. Ciidamada Juhaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa isaga horyimid dagaalo dhiig ku daaday oo kadhacay goboka Gedo.
Khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa kamid ah caqabadaha hortaagan shirka lafilayo in uu Dhuusamareeb ka furmo oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka.