Sida ay muujisay xog aruurin lasameeyay, Boqortooyada İngiriiska waxaa afartii bilood ee u dambaysay intii lagu guda jiray xanuuka Korona Fayras cabidda sigaarka iska dhaaftaty hal Malyan oo qof.
Sidoo kale 400,000 oo qof ayaa sameeyay iskuday in ay iskadaayaan cabidda sigaarka iyaga oo kafaa,iidaysanaya qaab nololeedka cusub ee uu layimid Korona Fayras, sida uu sheegay urur ladirira cabidda sigaarka oo loo yaqaan (ASH) iyo University College London (UCL).
Waxaa labilaabay olole dadka waawayn lagu dhiirigalinayo in ay Korona Fayras uga faa,iidaystaan sidii ay isaga dayn lahaayeen cabidda Sigaarka, lkn xogta la helay ayaa muujinaysa in dadka sigaar cabidda iskadhaafay ee dadoodu udhaxayso 16-29 ay kabadan yihiin dadka dadoodu kawayntahay 50 sano.
İnkasta oo cilmi ahaan aysan wali caddayn heerka kala duwanaanshaha saamaynta korona Fayras ee dadka sigaarka cabba iyo kuwa aan cabbin, dowladda İngiriiska ayaa sheegtay in dadka sigaarka cabba ay khattar badan ugu jiraan dhibaatada xanuunka Korona Fayras.
Sigaar cabidda ayaa sabab u noqota xanuuna badan oo ay kamid yihiin Kansarka, wadnaha iyo xanuunada ku dhaca sambabada. Sidoo kale dadka isbitaalada loo jiifiyay xanuunka Korona Fayras ee sigaarka cabba waxay waajahaan khattar caafimaad oo kabadan khattarta soo waajihi karaan dadka aan cabbin sigaarka. Ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay ASH.
İngiriiska ayaa kamid ah dalalka uu Korona Fayras sida wayn u saameeyay. Waxaa xanuunku kudhacay dad gaaraya 290,000 halka ay u dhinteen 45,000 oo qof sida ay sheegtay Johns Hopkins University.
CNN