Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta tagaya magaalada madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.Madaxwayaha ayaa kaqayb qaadan doona shirka Dhuusamareeb oo sidoo kalana ay imaan doonaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qoraal kasoo baxay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa lagu sheegay in madaxwaynuhu maanta galinka dambe gaari doono Dhuusamareeb.
“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.
Waxaa madaxwaynaha uga sii horeeyay Dhuusamareeb wafdi hor udhac u ah imaanshihiisa. Waxaana Dhuusamareeb kasocotta qabanqaabada soo dhawayntiisa.