Madaxwaynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Cadaado oo katirsan Dowladda Galmudug. Madaxwayanaha oo kasoo kicitamay Garoowe oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa ayaa waxaa garoonka diyaaradahaa Cadaado kusoo dhaweeyay madax katirsan Galmudug, siyaasiyiin iyo xubno katirsan ururada bulshada.
Mar uu kahadlayay dareenkiisa ku aadan Magaalada Cadaado, ayuu sheegay in Cadaado xasuus wayn kuleedahay isagoo muddo kunoolaa aabihiisna magaalada uu ka ahaa sheekh dadka diinta bara.
Mar uu lahadlayay dadka Cadaado daga ayuu ku booriyay in ay ilaaliyaan nabad galyada islamarkaasna kufara adaygaan dowladdooda, wuxuna sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl taasoo ka dhigtay meel mar walba lagu soo hirto.
Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto caasimadda Galmdugu ee Dhuusamareeb oo uu kabilaaban doono shir ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.