Madaxwaynaha dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Garoowe kula kulmay xubno kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirada uu lakulmay kamid ahaa wasiirka duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ay aad isu qabteen xilligii doorashada.
Lama sheegin waxa ay kawada hadleen wasiirada iyo madaxwaynaha Jubaland. Lkn kulanka ayaa qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee waayadan dalka kasocda ee looga tashanayo arimaha doorashooyinka.
Axmed Islaam iyo wasiiraduba waxay Garowe uyimaadeen ka qaybqaadashada aaska raysal wasaarihiii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.
Dowladda Federaalka ayaa diidday doorashadii markale Axmed Madoobe loogu doortay madaxwaynaha Jubaland, waxaana dhacay dagaalo dhiig ku daaday oo dhex maray ciidamada Jubaland iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Ugu dambayn kagadaal cadaadis badan oo ay Dowladda Federaalku kala kulantay beesha caalamka,Villa Somaliya ayaa Axmed Islaam u aqoonsatay 14 bishii Juun ee lasoo dhaafay madaxwayne kumeel gaar ah.
Waxaa lafilayaa in Axmed Islaam iyo madaxwayne Farmaajo ay ku kulmaan magaalada Dhuusamareeb oo lafilayo in uu kadhaco shir ay kasoo qayb galayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.