Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweeynayay go,aanka Aayasoofiya loogu ceshay masaajid salaadana loogu furay.
Sheekh Cabdixayyid Sheekh Aadam oo kamid ah culumada Soomaaliya ugu caansan ayaa hadal uu ka jeediyay masaajidka Abubakar Al-Sidiiq ku ammaanay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recab Dayib Erdogan.
” Go,aanka dib loogu celiyay Aayasoofiya waa guul usoo hooyatay dhammaan muslimiinta” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayyi wuxuu kaloo yiri ” Madaxwayne Erdogan wuxuu ilaaliyay amaanadii Suldaan Maxamed Al-faatix oo Aayasoofiya waqfi oga dhigay mulimiinta”.
Sheekh Cabdixayyi ayaa sidoo kale farriin adag udiray dalalka diidan go,aanka Aayasoofiya masaajidka looga dhigay wuxuuna waydiiyay sababta aysan oga aamusaan xadgudubyada İsraaiil ku samayso masaajidka Al-aqsaa.
Jimacadii lasoo dhaafay ayay maxkamad laashay go,aankii golaha wasiirada ay 1934 oga baddaleen Aaysoofya masaajid kana dhigeen mataxf.
Madaxwaynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in Aayasoofiya cibaadada loo furi doono maalinka Jimcada ee 24 bishaan Luulyo, waxaana la joojin doonaa lacagtii lagu gali jiray markuu matxafka ahaa.
Anadolu Agency