Dowladda Shiinaha ayaa ku hanjabtay in ay ka falcelinayso tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dhawaan Maraykanku qaaday kuwaasoo khattar galinaya danaha iyo amniga Shiinaha.
Madaxwaynaha Maraykanka Donuld Trump ayaa amray in la joojiyo heshiiska gaarka ah ee ganacsi ee Maraynkanka iyo Hong Kong ka dhaxeeya iyo Cunaqabatayno kale oo Shiinaha lagu soo rogay kadib sharciga muranka dhaliyay ee Shiinuhu Hong Kong kusoo rogay.
Wasiirkan arrinaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in “ Shiinhu aad oga soo horjeedo isla markaasna cambaaraynayo” Sharciga loogu magac daray Sharciga madaxbanaanida Hong Kong ee uu dhawaan meel mariyay kongreska Maraykanku.
”Shiinuhu waxay qaadayaaa tallaabada ku haboon si ay u ilaaliso danaheeda sharcigaah, waxayna xannibaado kusoo rogi doontaa ashkhaas iyo ururo Maraykan ah”.
Digniinta Shiinaha ayaa kusoo aadaysa xilli xiisadda labada dal kadhaxaysa meel sare marayso iyaga oo isku haya arimo badan oo ay kamid tahay Hong Kong, arrimaha ganacsiga iyo Korona Fayras.