Waxaa maanta magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland gaaray dhammaan madaxwayneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxwaynaha Puntland ayaa isagu shalay dib ugu soo laabtay Garowe.
Wufuudda ayaa ka qayb qaadan doona aaska raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax iyo madaxwaynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo Garowe lagu aasidoono maanta.
Waxaa sidoo kale goor sii horeysay Garoowe gaaray guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi oo isna ka qeyb-galaya munaasabadda aaskaasi.
Aaska kadib waxaa lafilayaa in madaxdu dib ugu laabtaan magaalada Dhuusamareeb oo uu haatan kusugan yahay raysalwasaaraha dalka Xassan Cali Khayre.