Wararka naga soo gaaraya Bossaaso ayaa sheegaya in xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah uu dab kakacay. Xeradaan oo kutaalla xaafada Baalade oo dhacda koonfurta magaalada ayaa dabka ka kacay waxaa ku dhintay 4 caruur ah. Waxaana ku gubtay guryo ay daganaayeen dadka barakacayaasha ah.
Gurmadka dab damiska iyo shacabka magaalada ayaa kuguulaystay in ay xakameeyaan dabka. Marar badan oo hore ayaa dab sidaan oo kale uga kacay guryaha cooshadaha ah ee ay kunoolyihiin dadka barakacayaasha ah.
Sababta keenta soo noqnoqoshada dabka ayaa lagu sheegaa, guryaha barakacayaasha oo kasamaysan waxyaabo fududaynaya in dab sifudud u dhasho kadibna ufaafo iyo qaabka fawdada ah ee loo dhisay guryaha.