Tirada dadka uu ku dhacay feyraska korona ayaa gaartay 13 milyan, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, tiradaas ayaa 1 milyan oo kamid ah la diiwaangeliyay 5-tii maalmood ee aan soo dhaafnay.
Cudurkaan sida fudud ku faafa ayaa dilay in ka badan Nus malyuun qof caalamka oo dhan muddo ku siman lix bilood iyo bar, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Mr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in aysan dunida ku soo laaban doonin xaladdii caadiga aheyd oo uu ula jeeday sideedii hore ka hor COVID-19 mar haddii la dayacay tallaabooyinka looga gaashaanto feyras faafa.
“Dalal badan ayaa hoggaaminaya jihada qaldan ee feyraska, cudurkanna waa cadowga 1-aad ee bulshada” ayuu ka sheegay warbixin muqaal ah oo uu jeedinayey.
“Haddii la raaci waayo tallaabooyinka, aafadu way ka sii dareysaa oo wey ka sii dareysaa, sidaasna xal ma ahan” ayuu yiri Tedros Adhanom.
WakaaladdaWararka ee Reuters oo warbixnno ku saleysan xogta dowladaha heshay ayaa sheegtay in feyrasku uu si daran ugu faafafyo Laatiin Ameerika iyadoo Mareykankana uu ka badanyahay kala bar kiisaska feyraska iyo dhimashada caalamka oo dhan, sida ay sheegtay Reuters.