Waxaa la filayaa in madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan madaxwaynaha iyo raysal wasaaruhu ay gaaraan magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Farmaajoy iyo Khayre ayaa ka jawaabaya baaqii kasoo baxay shirka madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ahaa in Dhuusamareeb madaxda qaranku markale isku arkaan.
Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo xalay soo xiray shirkii usocday madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa sheegay in uu dhawaan billaaban doono wajjiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo madaxda Dowladda Federaalku kasoo qayb gali doonaan madaxda Dowladda Federaalku.
Raysalwasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in maanta oo talaada ah uu Duusamareeb gaaro, halka madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la filayo in uu maalinkale oo aan wali la shaacin Dhuusamareeb yimaado.
Dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayaa u dhagtaagaya waxa kasoo bixi doona dadaaladaan siyaasadeed ee socda. Waxaana la rajaynayaa in is-afgarad laga gaaro doorashooyinka in ay dalka ka dhacaan la rajaynayo.