Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ahaa madaxwaynihii labaad ee Puntland yeelato. Wuxuuna muddo kooban hayay xilka kahor inta uusan ku wareejin Cadde Muuse.
Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii kaalinta ka qaatay dhismaha Dowlada Puntland ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Qoraal ka soo baxay Dowladda Puntland ayaa lagu xaqiijiyay geerida Maxamed Cabdi Xaashi,waxaana ka tacsiyeeyay geeridiisa Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
“Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxweyne Deni.
Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu lasoo shaqeeyay AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowlad Goboleedka Puntland, kaalin muuqato ayay ka qaateen dhismaha maamulkaas.