Daraasad lasameeyay ayaa sheegaysa in saddex iyo toban jaamacadood oo kuyaalla Ingiriiska ay khattar ugu jiraan in albaabada laisugu dhufto haddii aysan dowladdu siinin taageero dhaqaale.
Sida uu sheegay Ururka Daraasaadka Maaliyadda, Jaamacadaha Ingiriiska kuwooda ugu magaca dheer ee kutiirsan ardayda faraha badan ee ajaanibta ah in ay waajahayaan hoos udhac dakhli oo xoog badan.
Laakiin, jaamacadaha sumcadoodu hoosayso ayaa waajahaya culayska maaliyadeed ee ugu badan sida ay sheegtay daraasaddu.
İnkasta oo daraasadda lagu sheegin magacyada jaamacadaha culayska dhaqaale waajahaya, haddana waxaa lagu sheegay in taageerada dowladdu lagama maarmaan u tahay in jaamacadahaan sii shaqeeyaan.
Waxaa la qiyaasayaa in suuqa waxbarashada sare ee İngiriisku waayay lacag u dhaxaysa £3bn ilaa £19bn oo bawnka istarliinka ah. Hoos udhaca dakhliga jaamacadaha ayaa intaas kasii badan kara haddii caqabadaha uu keenay COVİD-19 sii socdaan.
Dhibaatooyinka kayimid xayiraadaha ka dhashay COVİD-19 ayaa waxaa kamid ah; hoos udhac kuyimid ardayda ajaanibta ah, hoos udhac kuyimid dhaqaalihii laga heli jiray guryaha ay dagaan ardayda, shirarka iyo maqaaxiyaha, iyo khassaaraha ku yimid maalgashiyada wakhtiga fog ee jaamacadaha.
BBC