Waxaa ku sugan dhamaan magaalada Dhuusamaree madaxda dowlad goboleedyada dalka, si ay shir oga yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashooyinka lafilayo in ay dhacaan dhamaadka sanadkan iyo bilawga sanadka inagu soo foodleh.
Shirka oo lagu waday in uu maanta billawdo ayaa dib loogu dhigay maalinta barri oo sabti ah. Dib dhigidda ayaa timid kadib markii madaxdu isla garatay in maanta ay u noqoto maalin nasiino, maadaama wufuudda qaybteed shalay galab Dhuusamareeb yimaadeen.
Waxaa kale oo Dhuusamareeb kusugan wufuud kale oo ka socotta labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, ururada bulshada iyo dadkale oo fara badan.
Waxaa la filayaa in madaxwaynaha Galmudug uu maanta qado sharaf u sameeyo wufuudda, sidoo kalana ay gaar gaar isu arkaan madaxda dowlad goboleedyadu.