Waxaa muddo ku dhaw qarni dood dhanka garsoorka, saxaafadda iyo siyaasadaba hayaraysay ka taagan tahay mataxfaka Aayasoofiya .Waxaa la isku hayyaa in masjid lagu celiyo iyo inkale Aayasoofiya oo haatan ah mataxaf dalxiisayaal badani booqdaan sanadkasta. Doodda Arrintaan oo siyaasadina aysan kamarnayn ayaa sanadba sanad kadambeeya sii xoogaysanaysay. Dooddaan xoogeedu waxay soo billaabatay sanadihii siddeetameeyadii qarnigii tagay.
Hagia Sophia ama Aayasoofiya sida Turkidu u taqaan, waxaa ladhissay qarnigii 6aad xilligii uu talinayay Imbaraatookii Biisatayn ee la, oran Justinian I, wixii intaas ka dambeeyay waxay ahayd kaniisad ay kusoo hirtaan dadka Kiristanka ah muddo ku dhaw sagaal boqol oo sano. 1453 waxaa Constantinople oo kadib loo baxshay Istanbul furtay Fatih Sultan Mehmed II. Mid kamid ah shaqooyinkii ugu horeeyay ee uu qabtay ayaa ahayd in Hagia Sofia ama Aayasoofiya inta uu booqday soo saaray amar loogu baddalayo Masjid muslimiintu ku cibaadaystaan. Waxaana lagu daray dhismaha qaybo ay kamid yihiin minaaradaha iyo mixraabka.
Afar boqol oo sano ayay ahayd massjid magac iyo mqaaam kuleh muslimiinta dhexdooda, dad badan oo muslimiin ah ayaa daafaha caalamka isaga imaan jiray si ay ugu cibaadaystaan. Wuxuu noqday astaan u taagan xasuusta furashadii muslimiinta ee Constantinople, sidoo kale wuxuu kamid noqday masjdku goobaha ay caanka ku tahay caasimadii khilaafada ee Istanbuul.
Kadib burburkii khilaafada, Turkiga waxaa madax kanoqday aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiya Mustafa Kamal Ataturk. Ataturk isla bilawgii xukunkiisa wuxuu ka shaqeeyay in uu Turkiga waddo cusub u jeexo, iyada oo la dhaqan galinayo dastuurka Switzerland ayaa dalka waxaa laga leexiyay juqraafiyadii uu muddada dheer xiriirka la lahaa waxaana loo leexiyay Galbeed. 1934 ayaa golaha wasiirada ee Jamhuuriyadda Turkiga waxay soo saareen go,aan masjidka Aayasoofya loogu baddalyo matxaf. Tallaabadaan waxay qayb ka ahayd tallaabooyin kale oo Ataturk ku doonayay xoojina cilmaaniyadda eeTurkiga.
Si lamid ah sidii masjidka Aayasoofiya ugu noqday astaan utaagan xusuusta furashadii Muslimiinta ee ee “Constantinople” ama Istanbul ayaa matxafka Aayasoofiya wuxuu tusmo u noqday nidaamka cilmaaniga ee Turkiga kahana qaaday kadib burburkii khilaafada Islaamka.
Hayadda Qaramada Midoobay uqaablisan, waxbarashada, culuumta iyo dhaqanka ee UNESCO ayaa 1985 Aayasoofiya ku dartay meelaha dhaxalka taariikhiga ah ee ay tahay in la dhawro.
Dadaalada lagu bixiyay in Aayasoofiya markale noqoto masjid
Tan iyo markii Aayasoofiya loo baddalay matxafka waxaa jirtay qaylo dhaanyo lagu doonayay in masaajid loogu celiyo. Dhawr jeer ayaa maxkamaduhu diideen dalabaad oga yimid dhalinyaro reer istanbuul ah gaar ahaan kuwooda katirsan ururada midigta iyo Islaamiyiinta.
Sanadihi siddeetamaadkii ee qarnigii tagay waxaa dhacay isu soo baxyo lagu dalbanayay in Aaysoofiya markale masaajid laga dhigo.Waxaana 29 bisha May sanad walba loo asteeyay maalin la isugu yimaado iridda hore ee Aayasoofiya, maalinkan ayaa ah maalinkii Fatih Sultan Mehmed II uu furtay Istanbul.
Doodda Aayasofiya kama marnayn faragalin shisheeye, dalalka Maraykanka iyo Giriigga ayaa muujiyay sida ay oga soo horjeedaan in Aaysoofiya lagu cesho Masaajid. Arrintaan ayaa waxay khilaaf ka dhex abuurtay Turkiga, Maraykanka iyo Giriigga, gaar ahaan intii uu xukunka la wareegay xisbiga Cadaaladda iyo Hormrka AKPARTI. Turkida dhinacyadooda kala duwan ayaa isku raacsan diidmada in dalal shisheeye ay kahadlaan muranka kataagan Aaysoofiya waxayna u arkaan in ay tahay qaddiyad Turkida oo kaliya khussaysa.
Ogolaansho qayb ah
Maadaama ay isa soo tartay codsiyada in Aayasoofiya Masaajid lagu celiyo, xukuumadda uu hogaamiya Xisbiga Cadaaladada iyo Hormarka AKPARTY, waxay ogolaatay in xilliyada qaarkood lagu tukado qaybta dambe ee dhismaha. Sidoo kale Hayadda Arrimaha Diinta ayaa 2016 soo saartay go,aan ogolaanaya in si maalinle ah quraanka loogu dhex akhriyo mataxfaka dhexdiisa inta lagu guda jiro bisha ramadaan.tallaadaaan oo ka caraysiisay Giriiga kuna tilmaamay dhaqan ka hor imaanaya dimuqraadiyadda iyo cilmaaniyadda.
Kaalinta Siyaasadda
Qaddiyadda dib ugu celinta Aaysoofiya masjid, kama marna siyaasadda iyo loolanka ka dhaxeeya axsaabta kala duwan ee Turkiga ka jirta. Billawgii hore madaxwayne Erdogan kaalin muuqata kuma lahayn dadaallada lagu doonayay in mataxafka Aaysoofiya masjid loogu cesho. Wararka laga soo wariyo qaybtood ayaa sheegaya inuu xittaa oran jiray “Bal horta soo buuxiya masaajidka Sulataan Ahmed ee dariska la ah Aaysoofiya”.
Laga soo billaabo sanadii 2019, gaar ahaan markay soo dhawaadeen doorashooyinkii dowladaha hoose, oo ay jirtay cabsi ah in xisbiga talada hayaa looga adkaan doono maayarnimada dagmada Istanbul waxaa isa soo tarayay ballan qaadyada masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga talada hayya ee ku aadan dib ugu celinta Aayasoofiya masjid. Gaar ahaan madaxwayne Erdogan wuxuu ballan qaaday in doorashooyinka dowladaha hoose kadib Aayasoofiya dib looga dhigi doono Masjid. Arrinaan oo lagu macneeyay in Erdogan ula danlahaa kasbashada taageerada dad faro badan.
Dadka qaybtood ayaa rumaysan in dhaqdhaqaadyada ugu dambeeyay ee lagu doonayo in Aaysoofiya masaajid lagu celiyo looga danleeyahay in kor loogu qaado shacbiyadda madaxwayne Erdogan, laguna qariyo duruufaha dhaqaale ee adag ee Turkiga ka jira.
Shaar sharciyadeed
Maalinkii Khamiista ee labadii bishan Julay ayaa waxaa dacwada Aayasoofiya ufariisatay maxakamad iyada oo la filayo in go,aankeedu soo baxo muddo 15 maalmood gudaheed ah. Marka la eego xaaladda guud ee dalka, waxaa loo badinayaa in Maxkamaddu ayidi doonto in mataxafka Aayasoofiya dib loogu celiyo masjid.
Inakasta oo isku dayadii hore ee lagu doonayay in go,aan maxkamadeed lagu baddalo matxafka fashilmeen, haddana sharciyaqaanadu waxay rumaysan yihiin in aysan waajib sharci ahayn in ogolaansho maxkamadeed lahelo si masaajid loogu baddalo Aaysoofiya, ee kaliya ay sifo sharci siin doonto tallaabada laga yaabo in uu madaxwayne Erdogan matxafka ugu celin doono masjid.