Madaxwaynaha Dowladda Puntland ayaa kahadlay ujeedada iyo danaha laga leeyahay shirka lagu wado in madaxda dowlad goboleedyada dalka ay isugu yimaadaan magaalada Dhuusamareeb 9 bishan aan kuguda jirno.
Saciid Deni ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalku ay ka tashan doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iy sidii is-afgarad looga gaari lahaa doorashooyinka dalka ku soo wajjahan iyo sidii dowlad goboleedyada iyo dowladdu faderaalku oga wada shaqayn lahaayeen arrinkaas.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hadalka kasoo yeeray guddiga qaran ee doorashooyinka kaasoo ah in wakhtigii loogu tala galay aysan doorasho qof iyo cod ah ku qaban karin ay kadhigantahay in waddooyinkii qaanuuniga ahaa ay soo xirmeen loona baahan yahay is afgarad siyaasadeed.
“Mar haddii guddigii doorashooyinka ay yiraahdeen doorashadii waqtigii loogu talo galay ma qaban karno, waxaa ku xiga waa, “maxaa xal inoo ah”. Xalkuna wuxuu noqonayaa xal siyaasiyeed, waxaana meesha ka baxay xalkii qaanuuniga ahaa” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Deni waxa uu sheegay waxa kasoo baxa shirkooda inay la wadaagidoonaan dowladda federalka Soomaaliya iyo cid walba oo ay qusayso arrimaha Soomaaliya ama danaynaysa.