• About us
  • Contact us
Wednesday, January 20, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home DHAQAALE

Ganacsatada jaadka ee Kenya oo ka carooday “tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya”

July 7, 2020
in DHAQAALE
0
Ganacsatada jaadka ee Kenya oo ka carooday “tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya”

Ganacsatada khaadka ama jaadka ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday khaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay.

Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso.

Falkan ayay ganacsatada sheegeen in ay ka caroodeen, wuxuuna intaa raaciyay in lacag dhan 80 kun oo doollar ay khasaarayan haddii aanan jaadka lagu geynin xilliga loogu tala-galay.

“Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey’adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad siddaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,”ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard ee dalka Kenya.

Jaadkii saarnaa diyaaradda lasoo celiyay ayay sheegeen in haatan uu dhooban yahay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxayna dalbadeen inay ogaadaan sababta loo soo celiyay diyaaradda.

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in helitaanka suuqa jaadka ee Somaliland ay ahayd arrin ay ku farxeen markii hore, culeys weynna ka qaaday, maadaama ay suuq la’aan ku dhacday jaadka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay feyraska corona.

“Waxaan isku dayeynay in dib loo furo xadka aynu la wadaagno Soomaaliya, si loo fududeeyo ganacsiga, balse waxay u muuqataa in aysan waxba kala soconin”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hargeysa oo inta badan jaadka uu uga iman jiray dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in khaad la’aan ay ka jirto, kadib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Oromada oo ah halka laga keeni jiray.

Ganacsatada uu saameyay arrintan ayaa ah kuwa deegaanada Karama, Athiru, iyo Kanjoo ee dalka Kenya, kuwaas oo jaad tayadiisu sareyso u dhoofin jiray Soomaaliya.

“Kahor xanuunka corona, waxaan iibinta jaadka bil walba ka heli jiray soddon kun oo dollar, waxaana mushaar siin jiray shaqaale dhan 50 qof, balse qaar badan oo kamid hadda waa shaqo la’aan, kuwaas oo qaar kamid ah hadda ay anniga igu tiirsan yihiin, noolasha way nagu adag tahay hadda,”ayuu yiri Lichoro oo kamid ah ganacsatada khaadka oo la hadlayay wargeyska Nation.

Warbaahinta kenya ayaa kusoo warrantay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaaradda siday khaadka, si loo yareeyo faafidda feyraska Corona, haseyeeshee BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto sax ahaanshaha warkaas.

Maamulka hawada ayaa kamid ahaa waxyaabihii dhawaan Jabuuti ay uga wada hadleen dowladda federaalka iyo Somaliland, inkastoo aanan la garaneynin waxyaabaha lagu heshiiyay.

Cabashada ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaa kusoo aaday xilli dhawaan magaalaad Hargeysa ay tageen wafdi ka socday dowladda Kenya iyo ganacsato uu hogaaminayay xildhibaan Junet Maxamed.

BBC

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxwaynaha Puntland oo kahadlay ujeedada shirka Dhuusamareeb

Next Post

Turkey oo wacad ku martay jawaab ka dhan ah Midowga Yurub

WARARKII U DAMBEEYAY

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021
Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved