Waxaa xalay magaalada Muqdisho kadhacay kulan Dhex maray gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdraxmaan oo uu weheliyo gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ka socdeen labadii madaxwayne ee hore Shariif Shekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud.
Kulanka oo saacado badan socday ayaa socday ayaa war kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran lagu sheegay in la iska waraysto xaaladaha dalka ka jira, gudoomiyaha Golaha Shacabkuna Madasha oga warbixiyo halka wax marayaan, Madashuna talooyin siiso Golaha Shacabka.
Sidoo kale sida ay sheegtay warbixinta kasoo baxday Madasha Xisbiyada Qaran waxaa laga wada hadlay siday u doorashooyinku ugu dhici lahaayeen xilligooda, loona gaari lahaa is afgarad u dhaxeeya saamilayda siyaasadda Soomaaliya.
Ugu dambayn waxaa la isla gartay in kulamada iyo wada hadalladu sii socdaan.