Waxaa khadka internetka kuwada hadlay madaxda dowlad goboleedyada dalka, si ay oga arrinsadaan shir dhex mara iyaga iyo madaxwaynaha dowaladda federaalka si looga tashado xaalada siyaadeed ee dalka.
Kulankaan oo dhammaan madaxda dowlad goboleedyadu xaadir ahaayeen ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa la isla gartay in 8 bisha madaxda dowlad goboleedyadu ku kulmaam Dhuusambeerb.
Dhaqdhaqaayadaan ayaa imaanaya xilli uu fashilmay shir uu madaxwaynaha dowladda federaalka ugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada oo lagu waday in uu maalinkii shalay ahaa qabsoomo.
Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa kabiyo diidsan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu madaxwayne farmaajo qaaday iyaga oo ku eedaynaya inuu usocdo ku darsasho.
Waxaa laga warsugayaa natiijada kasoo baxda shirka madaxda dowlad goboleedyada haduu qabsoomo.