Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa ayaa kadhacay kasoo horjeedka dekadda magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ugu yaraan shan askari ay ku dhaawacmeen qaraxa, halka uu ku dhintay qofkii waday gaariga qarxay.Qaraxa ayaa lala beegsaday laanta canshuuraha oo kutaala kasoo horjeedka dakadda.
Qaraxan ayaa ah kii u horreeyay oo muddo lix bil kaddib ka dhaca Muqdisho, kaddib qaraxii dadka badan ku dhinteen ee dhamaadkii bishii December 2019 ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.