• About us
  • Contact us
Wednesday, January 20, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Maxkamadeynta dad loo haysto dilka Khashaggi oo ka billaabatay Turkey

July 3, 2020
in CAALAMKA
0
Maxkamadeynta dad loo haysto dilka Khashaggi oo ka billaabatay Turkey

Labaatan qof oo u dhashay Sacuudiga oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed bin Salmaan, ayaa Jimcaha maanta ah ay maxkamadeyntooda ka billaabatay Turkiga iyagoo maqan, waxaana lagu soo eedeeyey dilkii iyo jarjaristii loo gaysteen wariye Jamaal Khashoggi.

Khashoggi, oo ahaa 59 jir, ayaa la shaqeyn jiray boqortooyada, laakin isku bedelay inuu dhaleeceyn u soo jeediyo uuna qoraallo ku qoro wargayska The Washington Post, ka hor intii aan lagu dilin gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii October, 2018-kii halkaasi oo uu u tagay in uu dukumiintiyo uga helo arooska lammaantiisa Turkish-ka ah, Hatice Cengiz.

Xeer-ilaaliyeyaasha Turkiga ayaa sheegaya in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Sucuudiga, Axmed al-Assiri, iyo sarkaalka warbaahinta ee boqortooyada, Saud al-Qahtani, ay hogaaminayeen howlgalka lagu dilay Khashoggi, ayna amrayeen kooxda wax dishay.

Waxaa si rasmi ah dacwad loogu soo oogay bishii Maarso, taasi oo ah in ay “qorsheeyeen dilka ula kac ah, islamarkaana argagax leh” oo uu sababay ciqaab loo gaystay Khashggi.

18 kale oo la tuhunsan yahay oo ay ku jiraan Maher Mutreb oo ahaa sarkaal ka tirsanaa sirdoonka oo had iyo jeerna la safri jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga, Salah al-Tubaigy oo ah khabiir caddeymo-danbiyeedyada iyo Fahad al-Balawi, oo xubin ka ahaa ilaalada boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay “si ula kac ah oo bahalnimo ah u dileen” Khashoggi.

Xeer ilaaliyaha ayaa horey u soo saaray amar lagu doonayo in lagu xiro eedeysaneyaashan oo ka maqan Turkey-ga.

Cengiz, oo ah qofka dacweynaya eedeysaneyaasha, ayaa xaadirtay maxkamadda iyadoo ay weheliso Agnes Callamard oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dilalka ka baxsan sharciga, iyo kuwa aan sababta laheyn.

Yasin Aktay, oo saaxiib dhow la ahaa Khashoggi, islamarkaana la-taliye u ah xisbiga talada haya ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ku sugnaa xarunta maxkamadda.

Erdogan ayaa sheegay in amarka lagu dilay Khashoggi uu ka yimid “xubnaha ugu sarreeya” ee dowladda Sacuudiga, laakiin wali si toos ah dilkan uguma uusan eedeynin Amiir Maxamed bin Salmaan oo ah Dhaxal-sugaha Boqortooyada.

AFP & VOA

Share9TweetShare
Previous Post

Turkish Airline oo dib u bilaabaysa duulimaadyadeedii Soomaaliya

Next Post

Abiy Ahmed: “Waxaan fashilinay shirqool lagu kicin lahaa dagaallo sokeeye”

WARARKII U DAMBEEYAY

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021
Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved