• About us
  • Contact us
Wednesday, January 20, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAALAMKA

Abiy Ahmed: “Waxaan fashilinay shirqool lagu kicin lahaa dagaallo sokeeye”

July 3, 2020
in CAALAMKA
0
Abiy Ahmed: “Waxaan fashilinay shirqool lagu kicin lahaa dagaallo sokeeye”

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in rabshadaha dalka ka dhacay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ahaayeen isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaallo sokeeye, balse hadda la fashiliyey.

Abiy ayaa ka hadlayey kulan uu magaalada Addis-Ababa kula qaatay saraakiisha sarsare ee rayidka iyo saraakiisha ciidamad, sida uu sheegay telefishanka dawladda ee ETV.

Telefishanka Ethiopia ayaa wariyey in “87 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo bolis, ay naftooda ku waayeen rabshadaha”, sida laga soo xigtay taliyaha bilayska gobolka Oromia.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in abaabulayaasha rabshadaha la qabtay, isaga oo taas uga mahad celiyay ciidamada ammaanka.

Rabshadaha ayaa ka billowday dalka ku yaalla Geeska Afrika Talaadadii, kadib dhimashadii heesaa iyo u dhaqaaqe bulsho Hachalu Hundessa.

Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin.

Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiista lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa.

Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.

Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii horseeday inay dhacdo dowladdii hore 2018, wuxuu noqday codka dadka Oromada.

Dhanka kale, Golaha Warbaahinta ee Itoobiya ayaa maanta soo saaray digniin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay kicinayaan rabshado qowmiyadeed. Agaasimaha guddiga Getachew Denku ayaa ugu baaqay xarumaha ay mucaaradka maamulaan ee Tigray Media House, Oromo Media Network, iyo Demtseweyane “inay joojiyaan kicinta rabshadaha qowmiyadeed oo aysan dalka khalkhal gelin.” Xarumahan ayaa loo diray warqad loogu digayo in la xiri doono

Adeegga Internetka ayaa wali ka xiran meelo ka mid ah Ethiopia, tan iyo Talaadadii.

VOA


Share7TweetShare
Previous Post

Maxkamadeynta dad loo haysto dilka Khashaggi oo ka billaabatay Turkey

Next Post

Madaxwaynaha Somaliland oo lakulmay wafdi kasocda Kenya

WARARKII U DAMBEEYAY

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021
Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

Emmanuel Macron oo ka dalbaday Erdogan inay kulmaan

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved