Kooxaha Chelsea iyo Wes Ham United oo wada cayaaray kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska ayey guushu 3-2 ku raacday West Ham, taas oo lama filaan ku noqotay, Chelsea ciyaar ka dhacday London Stadium.
Chelsea ayaa qeybtii hore ee cayaarta ay u suuragashay in ay hesho Gool rigoore ahaa waxaana u dhaliyay Wilian daqiiqaddii 42-aad.
Ha yeeshee, dabbaal-deg aan sii daahin kaddib Westhan ayaa 1-1 ka dhigtay cayaarta inta aysan dhammaan qeybta 1-aad oo daqiiqaddii 45-aad ayey dhaliyeen goolka bareejada waxaana u dhaliyay ciyaartooygooda Tomas Soucek.
Michail Antonio oo u cayaara West Ham ayaa isna yiri markeyga isiiya fursadda oo Chelsea ugu shubay goolka 2-aad, taasi oo natiijadana u rogtay 2-1 oo West Ham.
Balse, Willian oo isagu aad mooddo kaddib ka soo laabashadii fasaxi dheeraa in Chelsea u suura gelinayo goolal ayaa dhaliyay gool ciyaarta oo mareysa 72, kana dhigay 2-2.
Ugu dambeyn West Ham oo aad mooddo in kulnakani dardaaran laga soo siiyay ayaa gabagabadii ciyaarta dhalisay gool waana daqiiqaddii 89-aad, taasi oo ka timid ciyaartooyga Yarmolenko sidaasna waxaa ku jabay hankii Chelsea oo xitaa ahaa bareejo in ay ku soo dhammaato ciyaarto.
Halbeeg