Qasdi jeeray wada yeelatoo qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye.
Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida, Soomaalidii ku hoosnoolayd gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska waxay bilaabeen baraarug iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo lagu dalbanayo madaxbanaani si loo unko dowlad ay ku mideysantahay Soomaalidii uu kala qeybiyay gumeystaha. Waxaa sameysmay axsaab siyaasadeed oo ay ugu magac-weynaayeen SYL iyo SNL. Hadafka ugu weyn ee xisbigii SYL wuxuu ahaa xoraynta dhulka Soomaalida oo dhan iyo in Soomaali ku midowda hal dal (Soomaaliweyn).
Baraarugii Soomaalida iyo hanaqaadkii axsaabtii siyaasiga ahayd ee xornimodoonka waxay keentay in 26 June gobolladii waqooyi helaan xorriyad buuxda, afar maalin dabadeed oo 1-da July Koonfur madaxbanaani hesho. lixdan sanno kahor maanta oo kale midowgii labada gobol waxaa ka dhashay jamhuuriyadda Soomaalida oo hadafkeeda ugu weyn ahaa mideynta Soomaalidii maqnayd.
Yagleelkii jamhuuriyadda dareen farxadeed ayay Soomaalidii kusoo dhaweysay, waxaana lagu taamayey in la barwaaqoobayo balse cagsigeeda ayay noqotay maadaama aqoonta dowladnimada aan u lahayn aad u koobnayd ama aysan jirin, midnimadii iyo jamhuuriyadii waxay nooqtay hal geela oo reeruhu kala dhacayaan. Waxaa lagu guuldarreystay in la mideeyo ama mid la qaato xeer dhaqanka qaballiga, diinta ama dowladnimada casriga ah.
Marxalado kala duwan ayay soo martay dowladnimada, sagaalkii sanno u horreysay waxaa talinayey xisbigii SYL, inkasto yididiilo iyo dimuqraadiyad doorasho jirtay haddana SYL waxay ku guuldarreysatay jiheynta dowladnimada, waxaa xogeystay qabyaallada, ku takrifalka hantida dadweynaha taas oo sahashay dilkii madaxweyne Cabdirashiid iyo in askartii sifo sharcidarro kula wareegaan xukunkii dadweynaha.
Shaki kuma jirto in kacaanku sameeyey xoogaa horumar xaga dhaqaalaha, balse si lamid ah dowladdihii rayidka wuxuu ku fashilmay jihenta dowladnimada… waxaa aad u kordhay qabyaallada, ku tagrifalka awooda iyo hantida dadweynaha, wuxuu dooriyay dhaqankii dowladnimada, taa oo keentay in Soomaalidu qori isku qaadato, arrintaas oo sabab u noqotay burbur ku yimid qarankii Soomaaliya oo ilaa maanta laga soo kabsan la’yahay: Ayax tag eelna reeb.
Marxaladii ugu adkayd ee uu qaranku soo maro waa burburka, waxay sabab u noqotay is aaminaad la’aan baahsan oo ku timid Somaalidii midowday lixdankii; dagaallo sokeeye, mid shisheeye la isku adeegsado, fakhri iyo gaajo, qabiil walbo wuxuu isku magacaabay inuu yahay dowlad balse aan dhab ahaan u jirin.
Inkastoo lixdankii aan ka aqoon iyo xadaarad badanahay maanta, haddane qaranjabka iyo fashilka aan ku fashilmanay dowladnimada casriga waxay ina dhaxalsiisay in isku mid noqdaan aqoonyahanka iyo jaahilka, madaxda siyaasadda iyo geeljire aan waligii magaalo imaanin. Sababta oo ah qabiilka ayaa ah diinta rasmiga ee Soomaalida, qaranka kaliya ee aan leenahayna waa qabyaalladda.
Lixdan sanno kadib si aan u kala nabadgalno waa in gumeystihii aan shalay saarnay inoo kala dab qaado, sababta oo ah ma lihin caqliyad ina kala celisa, isu tanaasul iyo wax wada lahaasho warkeed daa e. Qarankii midoobay lixdan sanno kahor maanta meel laguma sheego: Miyaan dabaaldegnaa mise waan tiiraanyoona?
Lixdan sanno kadib, waxaan ku jirnaa fashil umadeed, dib u dhac akhlaaqeed, mid siyaasad iyo dhaqan, waxayna keentay in qofka Soomaaligu yeelanin han ka baxsan reerkiisa, fikrad iyo curin warkeed daa. Miyaan dabaaldegnaa mise waan tiiraanyoodaa?
Midnimadii lixdanka waxay ahayd mabda’ iyo go’aan shacab, siyaasigu awood uma lahayn inuu garab maro rabitaanka shacabka, sababta waxay ahayd Baraarugii bulsho ee aadka u xooganaa. Maadama lixdan sanno kahor meeshii aan joognay kasii hooseyno, waxay ila tahay baraarugii dhallinyaro iyo dhaqdhaqaaqyadoodii siyaasiga ahayd in maanta baahi weyn loo qabo.
Cilmibaare iyo bare jaamacadeed