Maadaama tirada kiisaska cudurka koronafayras ee Mareykanka ay sii kordhaysoayaa Ra’iisul Wasaaraha Kanada Justice Trudeau sheegay in waddankiisu uu sii wadayo tallaabo kasta oo uu u arko in lagu damaanad qaadayo bad qabka muwaaddiniintiisa.
Trudeau oo sheegay in Kanada ay ka soo kabanayso cudurka kornafayras ayaa sheegay in dalkiisu uu horey ugu hoggaansamay talooyinka khubarada caafimaadka haddana uu raaci doono tilmaamaha ilaalinta caafimaadka bulshada iyaga oo weli sii indho indheyn doona xaaladda Mareykanka ayna mudnaanta siin doonaan caafimaadka dadkooda.
Waxa uu sheegay in isu socodka Cadana iyo Maraykanka la hakin doono ilaa 21-ka July ama xaaladaha cudurka koronafayras ee Maraykanka uu is baddal la taaban karo laga arkayo. Arrintan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in dadyowga Canada ay cabsi badan ka qabaan in cudurka koronafayras uu uga soo fido dadka ka soo tallaabaya xudduudaha dalkooda ee Maraykanku la leeyahay.