Shirkadda CNBG ayaa sheegtay in natiijooyinkii ugu horeeyay ee kasoo baxay tijaabadii labaad ee lagu sameeyay bini aadam ay muujiyeen in tallaalkooda xanuunka COVID-19 uu yahay mid aan dhib keenayn isla markaasna waxtarleh.
Tallaalkan oo xambaarsan darajo aad u sarrayso oo waxyaabaha diffaaca jirka xoojiya ah ayaa waxaa lagu tallaalay oo kaqayb qaattay tijaabada illaa 1,120 qof oo caafimaad qabta.
Shirkadaha iyo cilmibaarayaasha Shiinaha ayaa loo ogolaaday in bini,aadamka ay ku tijaabiyaan siddeed tallaal gudaha iyo dibadda dalka Shiinaha. Arrintaan ayaa Shiinaha ka dhigaysa dal safka hore uga jira dadaalada loogu jiro in COVID-19 tallaal loo helo. Xanuunkaan ayaa illaa iyo hadda caalamka ku dilay illaa 500,000 oo qof.
Si tallaalka adeegsi loogu ogolaado waxaa khassab ah in wareega saddexaad waxtarkiisu soo baxo kadib makra kumanaan ruux lagu tijaabiyo.
CNBG, ayaa sheegtay in wareegga saddexaad ee tijaabada tallaalka ay ku samayn doonaan dalka Imaaraatka Carabta.