Waxaa maalmihii danbe aad u yaraaday khudaarta iyo miraha soo galaya magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya sida muuska, yaanyada, basasha, qaraha, iyo canbaha. Waxaa weli sii siyaadaya qiimaha khudaarta ee magaalooyinka waaweyn.
Isgoyska Ex Kontorool oo toddobaadkii hore maalmo xirnaa dhismooyin jidka ka socday awgiis ayaa hakad geliyay gawaaridii xamuulka ahayd ee soo daabbulaysay khudaarta iyo miraha.
Ganacsiga gobollada oo dhan wuxuu u socdaa si habsami leh iyadoo wadooyinka sahaydu ay yihiin kuwa wali la adeegsan karo in kastoo waddooyinka badankood ay yihiin kuwo aad u liita isbaarooyin badan yaallaan gaar ahaan kuwa Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.