Kooxda caanka ah ee Barcelona ayaa toddobaadyadii danbe waxa ay loollan adag oo ku saabsan hoggaanka horyaalka Spain ee La Liga kula jirtay dhiggeeda Real Madrid. Kulamadii u danbeeyay waxaa horyaalka La Liga gool badsi ku hoggaaminaysay kooxda Real Madrid.
Rajadii Barcelona ee ahayd in dib ugu soo noqoto hoggaanka horyaalka Spain ayaa waxaa hakad kale geliyay kooxda Celta Vigo kaddib markii ay cayaartii labada kooxood dhex martay ay ku soo gebagabowday barbardhac 2-2 ah.