Ergey ka tirsan Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in 90% kiiba arrimaha ugu badan ee khilaafka biyo xireenka GERD ee webiga Niil ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ay ahaan kuwo la xiriira buuxinta biyo xireenka. Masar ayaa diiddanayd in xaddiga biyaha ee lagu buuxinayo biyo xireenka ay khasaare u gaysnayso biyaha ay ka helayaan beeralayda masaarida ah ee ku tiirsan webiga.
Midowga Afrika ayaa rajo ka muujiyay in dalalka wadaaga biyaha Niil sida Suuudaan, Itoobiya iyo Masar ay ku dhow yihiin in ay gaaraan heshiis lagu maarayn doono adeegsiga biyaha iyo xasaradihii ka dhashay mashruucii biyo xireenka GERD ee dawladda Itoobiya ay hirgelinaysay.
Dalalkan ayaa waxa ay kumanaan sano wadaagayeen biyaha Niil. Itoobiya oo ah ilaha ay ka soo butaacayaan biyaha qeybaha webiga Niil ayaa waxa ay sanado badan rajo ka qabtay in ay hirgeliso mashruuc kharas badan ku kacaya oo biyo xireen loogu samaynay qulqulka kore ee webiga Niil taas oo loo adeegsan doono in laga dhaliyo xoog koronto oo dalku u baahnaa.
Golaha ammaanka ayaa dalab ay Qaahira u soo jeedisay dartiis Isniinta ka fariisan doona arrimaha biyo xireenka GERD iyo khilaafaadka Masar iyo Itoobiya. Dalalka qulqulka hoose ee biyaha Niil ayaa rajaynaya in fadhigaasi uu ka soo baxo go’aan macquul ah oo dhinacyadan khilaafkooda sii daba dheeraaday xal waara u keena.