Madasha Xisbiyada Qaran oo ay kumidaysan yihiin qaar kamid axsaabta dalka kajirta ayaa kahadashay hadalkii shalay kasoo yeeray guddoomiya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey.
Madash ayaa ugu baaqday guddiga in ay is cassilaan maadaama ay ku fashilmeen in ay qabtaan shaqadii loo idmaday.
Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu yiri “Madasha Xisbiyada Qaran waxay caddeyneysaa in hadal-jeedintii Guddiga 27/06/2020 golaha shacabka ee ahaa ineysan qaban karin doorasho waqtigeeda ku dhacda uu xambaarsanaa kaliya hadafkii muddo kororsiga ahaa ee GMDQ iyo Hoggaanka dalku kawada shaqeynayeen muddooyinkii dambe oo ay Madashu dhawrjeer ka digtey.”
Madasha ayaa ku eedaysay guddiga in aysan ahayn kuwa kamadax bannaan islamarkaasna ay ku milneen hogaanka dowladda.
Baaqa Masha ayaa imaanaya kadib hadal ay ka jeedisay Golaha Shacabka, gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, iyada oo sheegtay in wakhtiga u haray aysan doorasho ku qaban karin loona baahan yahay in wakhti sanad kabadan loogu daro guddiga si ay doorasho qof iyo cod ah u qabtaan.