Lixdan_sanadood ayaa kasoo wareegtay markii dhulkii ugu horreeyay ee Soomaali xorriyadda qaattay kadib labadii qaybood ee Waqooyi iyo Koonfurna isku biireen samaysteena Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sanadihii ugu horeeyay ee dowladnimadeena waxaynu hormuud iyo kudayasho wanaagsan u ahayn dalalka Afrika marka la,eego dhanka awood qaybsiga iyo iswaydaarsiga xukunka. Maxaa yeelay waxaa si wanaagsan u qabsoomay doorashooyin dhowr ah oo isugu jira kuwa dowladaha hoose, baarlamanka, iyo kuwii madaxwayne nimada. Soomaaliyana waxay kasbattay sifada dalkii ugu horreeyay ee Afrika dimuqraadi noqda.
Nasiib darro fursad lama siin tijaabada curdanka ah, dalkiina waxaa qabsaday ciidan, mudadii ay dalka haysteen 21 sano waxaa kaliya oo laga dhaxlay dowladdii oo say u dhammayd meeshaba ka baxda. Waxaan dib ugu laabanay xaaladdii kahoraysay intii aan reer galbeedku dowladnimada casriga ah inoo keenin ee ku dhisnayd fowdada iyo loolanka macno darrada ah ee magaca qabiilka lagu galayo.
Burburkii dowladnimadu wuxuu soomaali dhaxal siiyay in beesha caalamku ubixiso magac kasta oo liitta, waxayna noqottay tusaale lagu cabsiiyo bulshooyinka kale. Soomaliya waxay noqotay dal lagu daraaseeyo cilmi-baarisyada laguna soo qaatto buugaagta iyo joornaaladda marka laga haldyo umadaha iyo dowladaha fashilmay ee asaagood kaharay.
Dalku wuxuu u qaybsamay maamullo qabaail dhisteen, oo qabiil kasta magaca dowladnimo wax ku raadsanayo. Waxaa horboodaya madax raadinaysa xukun iyo dhaqaale oo kaliya qabiilkuna yahay waxa ay ku adeegtaan. Dowladnimaduna waxay noqotay meel lacag laga sameeyo, sida badeecaddana suuq furan lagu kala gatto kuraasta.
Shacabku waa dhibbane labo jeer, mar waa inuusan helin xuquuqdii ulahaa oo ah amni, iyo adeegyadii bulshada, marna wuxuu ku siran yahay siyaasiyiin ay isku qabiilka yihiin ee isaga dhiga inay iyaga u maqan yihiin. iyagana uma maqnee naftooda iyo qoysaskooda umbay u shqao tageen.
Waxaa la qaattay nidaam Federaal ah oo aan lagu heshiin wax badan oo kamid ah arkaantiisa. Dastuurkii dalkuna wali waa qabyo oo lama garanayo sida afti loogu qaado karo iyada oo arrinta Somaliland aysan dhan u dhicin, kaaga sii darane aysan jirin rajjo ah in xilli dhaw arinta Somaliland xal laga gaarayo.
Dalka waxaa looga taliyaa xafiisyada kuyaal xerada Xalane, arrinta layaabka ah waxay tahay in xeradaan loogu magac daray nin usoo halgamay calanka Soomaaliya, haddana ay fadhiyaan shisheeyaa u arrimiya Soomaalida. Sidoo dalka waxaa jooga oo madaxtooyada waardiyeeya ciidamo ka socda dalal Afrikaan ah oo Soomaaliya xorriyadda ka-hor qaadatay sida (Uganda,1962- Kenya,1963,- Djıbouti,1977).Itoobiya oo taariikh dheer oo dagaal kala dhaxaysay Soomaaliyana waxay noqotay boolis kadhex adeegta gudaha dalka.
Gunaanadkii 60 sano kadib waxaa lagama maarmaan in si dhab ah la isu xisaabiyo, laga jawaabo su, aalaha ay kamid yihiin, maxaa inaga khaldamay? dadyawga kaleba dowladay leeyiihiin Soomaali maxaa dowlad la,aanta dhigay? iyo sidee looga bixi karaa ila-meeraysashadaan?.
Xaflado waa la isaga baahan yahaye halla dhigo, laakiin yaan laga bad_badin, yaan lacag badan lagu kharash garayn. maalmahan oo kale doodaha la xiriira tubta lagu gaaro dowladnimada, hormarka iyo midnimada halla badiyo.
W/Q: Abdiwali Sayid