Agagaarka garoonka kubadda cagta ee Anfield oo ay Liverpool ku cayaarto ayaa waxaa lagu arkayay dad isku soo baxay oo sitay calamada iyo astaamaha kooxda oo sii wada dabbaadeggoodii ku aaddanaa guushii taarikhiga ahayd ee ay kooxda Liverpool ka soo hoysay horyaalka Ingiriiska.
Kooxda Liverpool ayaa soddon sano kaddib waxa ay u suura gashay in ay ku guulaysato horyaalka Premier League. Guushan ayaa waxaa loo aanaynayaa dadaal weyn oo cayaartoyda ay la yimaadeen iyo hoggaan iyo dhiirri gelin joogto ah oo ay ka helayeen tababarahooda.