Malaayiin caruur reer Yemen ah ayaa qarka u saaran macluul iyada oo lagu gudo jiro xanuunka COVID-19 iyo dagaallo aan dhamaad lahayn oo dalkaas aafeeyay shantii sano ee lasoo dhaafay.
Warbixin kasoo baxday UNIEF ayaa lagu sheegay caruurta la ildaran nafaqo darrada ay tiradoodu gaaari doonto 2.4 malyan dhamaadka sanadka, Waxayna dalbatay taageero lacageed oo gaaraysa 500 oo malyan oo doollar si wax looga qabto dhibtaatadaan.
Maadaama safmareenka COVID-19 uu saamayn xun ku yeeshay hayadaha caafimaadka sida warbixintu sheegtay caruur gaaraysa 6,600 ii kayar dada shan sano ayaa u dhiman kara xanuuno laga hortagi karo.
“Dhallaan aad u fara badan ayaan ku waynay dagaaladii shanta sano socday, inta COVID-19 sii fidayo waxaan ka cabsi qabnaa in aan tiro kale oo badan wayno” sidaas waxaa tiri uqaabilsanaha UNICEF ee dalka Yemen Sara Beysolow.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa dagaal ku qaadday dalkaas shan sano kahor si meesha looga saaro malleeshiyaadka Xuudiyiinta oo gacanta ku dhigay caasimadda dalka ee Sanca. Sucuudiga ayaa ku fashilmay in uu soo afjaro dagaalka waxaana lagu eedeeyay gaboodfalyo kadhan ah xuquuqul-Insaanka.