• About us
  • Contact us
Thursday, April 22, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home CAAFIMAAD

Ninka adduunka ugu da’da weyn’ oo ka kacay Covid-19

June 26, 2020
in CAAFIMAAD
0
Ninka adduunka ugu da’da weyn’ oo ka kacay Covid-19

Nin u dhashay dalka Itoobiya, oo la sheegay inay da’diisu ka sarreyso 100 sano, ayaa ka caafimaaday cudurka dilaaga ah ee Covid-19, arrintaasoo uu “wax cajiib ah” ku tilmaamay mid ka mid ah dhakhaatiirtiisa oo la hadlay BBC-da.

Aba Tilahun Woldemichael qoyskiisa waxay sheegeen inay da’diisa tahay 114 sano, taasoo ka dhigeysa ninka adduunka ugu da’da weyn, laakiin ma jirto warqad dhalasho oo caddeyneysa arrintaas. 

Odaygan indhaha caalamka soo jiitay waxaa hadda gurigiisa ku xannaaneynaya wiil uu awoowe u yahay.

Aba Tilahun waxaa cudurka laga helay mar baaritaan guud lagu sameynayay xaafadda uu daggan yahay, oo ka tirsan caasimadda Addis Ababa, waxaana isbitaalka la dhigay ka hor inta aysan caalamadaha kasoo muuqanin, sida uu BBC-da u sheegay Dr Hiluf Abate. 

Arrintaas ayaa dhakhaatiirta u sahashay inay dawooyin ku billaabaan xilli hore, ayna si dhow ula socdaan xaaladdiisa.

Dr Hiluf ayaa sheegay in afar maalmood kaddib markii la dhigay isbitaalka Yeka Kotebe ay xumaatay xaaladda caafimaad ee Aba Tilahun, maadaama uu fayraska ku fiday jirkiisa, waxaana lagu xiray qalabka neefta ku caawiya dadka.

Isku darka 14 maalmood ayuu ku jiray isbitaalka, qalabka neefta ku caawiyana waxaa lagu xirayay in a badan hal isbuuc.

Itoobiya oo ka mid ah dalalka xayiraadaha adag u soo rogay fayraska corona awgiis ayaa laga xaqiijiyay in ka badan 5,000 oo kiis iyo 81 dhimasho.

Xilliyadii ay xaaladda adkeyd

Inkastoo isbitaalka Yeka Kotebe uusan xaqiijin karin in bukaankiisa uu jiro 114 sano, haddana dhakhaatiirta waxay sheegeen inuu ka weyn yahay 100 sano, iyagoo da’diisa ku qiyaasay ilaa 109 sano.

Isagoo dhalinyaro ah ayuu tagay magaalada Addis Ababa kaddib markii uu ka guuray koonfurta dalka Itoobiya, waddankiisana wuxuu kusoo noolaa xilliyadii xaaladda adkeyd.

Wuxuu goob joog u ahaa qabsashadii Talyaaniga intii u dhaxeysay 1935-kii ilaa 1941-kii, afgambigii boqortooyadii Haile Selassie ee dhacday sanadkii 1974-kii, burburkii maamulkii Derg ee 1091-kii iyo hadda oo uu ka badbaaday cudurka Covid-19.

Afar sano ayuu ahaa wadaad diimeed ka tirsan Kaniisadda masiixiga ee dalka Itoobiya.

“Aba” waa xilka baadariyaasha sare la siiyo.

Laakiin markii uu da’da yaraa wuxuu ahaan jiray nin ka shaqeeya korontada, rinjiyeynta guryaha iyo howlo kale, sida uu BBC-da u sheegay wiilka uu awoowga u yahay ee lagu magacaabo Binyam Lulseged Tilahun – oo 24 jir ah.

Wuxuu sheegay in awoowgiis ay xaaladdiisa caafimaad aad u wanaagsaneyd fayraska ka hor, laakiin hadda markii uu cudurka ku dhacay uu codkiisa daciifay, wax dhibaato ah oo kalena uusan qabin hadda.

Si loo yareeyo fiditaanka cudurka, dowladda Itoobiya waxay sharciyo cusub soo saartay bishii April, waxaana la xiray dhammaan goobaha waxbarasada. Sidoo kale waxaa la mamnuucay isu imaashada dadka badan iyo munaasabadaha ciyaaraha. Waxaa kale oo la yareeyay tirada dadka raaca gaadiidka dadweynaha. 

Hase yeeshee ganacsiga ayaa si caadi ah u furnaa.

BBC

Share2TweetShare
Previous Post

Tiyaatarka Qaranka oo xariga laga jaray

Next Post

Israel iyo Imaaraadka oo ku dhowaaqay wada-shaqeyn

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved