• About us
  • Contact us
Monday, January 25, 2021
Tilmaan Media
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD
No Result
View All Result
Tilmaan Media
No Result
View All Result
Home SOOMAALIYA

Su’aalaha dhanka sharciga ah ee ka dhashay khilaafka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

June 25, 2020
in SOOMAALIYA, SIYAASAD
0
Su’aalaha dhanka sharciga ah ee ka dhashay khilaafka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

Khilaafka u dhaxeeya guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsan hannaanka doorashada dalka ay u dhici doonto ayaa dhaliyay su’aalo badan oo dhanka sharciga ah.

Khubarada ayaa sheegaya in khilaafkan uusan ahayn mid hadda billow ah balse uu in muddo ah soo jiitamayay. Waxayna tusaale u soo qaadanayaan go’aan usbuucii hore uu soo saaray Aqalka Sare, kaasi oo ahaa in 25-ka bishan ka hor ay tahay in madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo maamul-gobolleedyada ay is-arkaan.

Go’aankaasi waxaa ka dambeeyay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo kulan maqal iyo muuqaal ah ku marti qaaday madaxweyneyaasha maamul-gobolleedyada. Kulankaasi ayaa ugu dambeyntii dhacay balse dadka indha-indheeya siyasadda ayaa sheegaya in arrimaha xasaasiga ahi aanan wali laga wada hadlin.

Khilaafka labada aqal ee baarlamaanka ayaa la sheegayaa in uu muujinayo sida labada aqal ay ugu kala aragti geddissan yihiin habka siyaasadda doorashada loo galaayo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay ka soo horjeestay xeerarka uu maalmahan ka doodayay golaha shacabka, kuwaasi oo qaarkood la ansixiyay, waxa uuna ku tilmaamay xeerarkaasi in lagu sameeyay waxkabaddal aan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku-dhafka ah.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in xildhibaanada loo qeybiyay dokumenti ka duwan nuqulkii ay soo diyaariyeen guddiga wada jirka ah e labada aqal.

Balse arrintaasi waxaa waxba kama jiraan ku tilmaantay Jawaahir Axmed Cilmi oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare isla markaana sheegtay in ay ahayd guddoomiye ku xigeenka guddigii isku-dhafka ahaa ee xeerarkaas ka soo shaqeeyay.

Garyaqaan Sakariye Yuusuf oo aqoon duruqsan u leh dastuurka Soomaaliya ayaa sheegaya in doodda labada dhinac ay hadda gashay meel ka duwan arrimaha doorashada.

Waxa uu sheegay in ay habboontahay in xeer-ilaalinta qaranka loo bandhigo eedeynta guddoomiyaha Aqalka Sare ee ah in la baddelay soojeedintii loo gudbiyay golaha shacabka.

“Sharciga laba arrimood ayuu tilmaamayaa. Kow, haddii guddigii 17-ka xubnood ahaa ee isku dhafka ahaa, haddey qayb ka mid ah ay leeyihiin waa nagala been abuuray, wixii aan ku heshiinnay ma aha oo wax ka geddisan ayaa la keenay, meeshaasi waxaa ka muuqanaayo been-abuur. Haddii been-buur uu jiro, guddiga qaba in laga been-abuuray oo caddeyn ay haystaan, waa in ay xeer ilaalinta guud u gudbiyaan oo ay yirahdaan dukumeentigaan waa nagala been-abuuray kii “saxda” ahaa ma ahan ee kan “saxda” ah waakan,” ayuu yiri Sakariye.

“Haddii guddiga kale ay ku doodayaan waxba ma aanan been-abuurin, guddigaan ku doodaya waa nagala been-abuuray masabdid ayay sameeyeen. Haddii la masabbitana sharciga wuxuu qorayaa iyadana in ay masabbidka xeer-ilaalinta u gudbiyaan oo ay yirahdaan waa nala masabbitay caddeyntiina waatan.”

Su’alaha dhanka sharciga ah ee soo baxaya waxaaka mid ah dastuurka Soomalaiya muxuu ka qabaa nidaamka haatan la marsiiyay xeerarka doodda dhaliyay ee sida kan qoondada dumarka, kan kuraasta gobollada woqooyi iyo xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee haatan laga doodayo.

Sida uu sheegaya garyaqaan Sakariye, dastuurku waxa uu qabaa in sharci kastaa aqalka baarlamaanka ee uu ka billowdo marka laga ansixiyo waa in loo gudbiyo aqalka kale ka hor inta uusan saxiixin madaxweynaha.

“Dastuurka qodobka 79aad ilaa 86 ayaa tilmaamaya diyaarinta sharci ama habraaca sharci loo diyaariyo. Labada Aqal, aqalka uu ka billowday ma ahan ee aqalka kale ayaa loo gudbiyaa. Marka aqalkan hoose ka billowdo, waa ay ka doodayaan, waa ay ansixinayaan cod hal dheeri ah. Marka ay ansixiyaan aqalka kale ayaa loo gudbinayaa. Aqalka kale ayaa ka doodaayo, cod hal-dheeri ah ayuu ku ansixinayaa…kaddibna madaxweynaha ayaa loo gudbinayaa,” ayuu yiri garyaqaan Sakariye.

“Madaxweynaha 15 casho gudahood, haddii uu talo diidmo ah qabo, taladaasi diidmada ah ayuu ku celinayaa, haddii uu talo diidmo ah qabinna sharcigaasi wuu aqbalayaa oo waa uu saxiixayaa. Inta ka horreysa, sharci hal aqalna ma soo saari karo labada aqalna sharci ay soo saareen sharci ma noqonaayo haddii uuna madaxweynaha saxiixin.”

Sidoo kale xeerarkaasi ma noqon karaan sharci maxayse u baahan yihiin in ay sharci noqdaan. Dadka qaar ayaa ku doodaya in xeerarkaasi sharcidarro noqonayaan maadaama lagu muransan yahay isla markaana ay u muuqato in aan la raacin habraaca dastuurka.

Garyaqaan Sakariye waxa uu qabaa in marka hore ay tahay in qaab sharciga waafaqsan lagu xalliyo wararkan is-diidan ee ka soo yeeraya labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Hadduu xeer-hoosaad yahay oo baarlamaanka kaligii ku dhaqmaayo, waa ay ansaxsan karaan looma baahno laakiin markaasi…dhaqangalna kuma yeelanaayo doorashada. Waa inuu baarlamaanka kaligiis isku doortaa. Ma u gudbi karo qaranka. Sharciba ma noqonaayo haddiiba la isku haysto waa been-abuur iyo been-abuur ma ahan. Waa in la xaqiijiyaa been-abuurka marka hore. Illeen dambi ayaa meesha ka muuqdee. Dambigaasi ka muuqda cidda iska leh waa in caddaaladda la marsiiyo.”

Doodda labada aqal waxaa dhanka kale laga dareemayaa in ay ku dhexmilan yihiin maamul-gobolleedyada qaar, gaar ahaanna Jubbaland iyo Puntland.

Maamulka Jubbaland oo xalay soo saaray qoraal ayaa ugu baaqay golaha shacabka in la hakiyo “aqriska, ka doodista, u codeynta dhammaan xeerarka ku xusan warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso xilli madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shirka Golaha Amniga Qaranka oo 5-ta ilaa 8-da bisha soo socota ka dhici doona magaalada Muqdisho ku casuumay madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Casumaaddaasi ayaa lagu sheegay in kulankaasi looga arrinsan doono sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, arrimaha amniga, dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka iyo horrumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

BBC

ShareTweetShare
Previous Post

Maraykanka oo ku eedeeyay Huawei iyo Hikvision in millatariga shiinuhu leeyahay

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo baaq Ku aadan todobaadka xoriyadda & midnimada diray

WARARKII U DAMBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021
Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

Millatarigan Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab

January 19, 2021
Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

Qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo goor dhaw ka dhacay dulleedka Muqdisho

January 19, 2021
Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

Dowladda oo beenisay in ciidamo Soomaali ah lagu dilay dagaalka kasocda gobolka Tigree ee İtoobiya

January 19, 2021
Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

Shekh Shariif oo kahadlay dib u dhaca doorashada

January 18, 2021
Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

Ciidamada Maraykanka oo soo gaba gabeeyay ka bixitaankooda Soomaaliya

January 18, 2021
4 waxyaabood oo  aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

4 waxyaabood oo aan wanaagsanayn in la sameeyo cuntada kagadaal.

January 17, 2021
Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

January 17, 2021

Tilmaan Media waa shabakad warbaahineed oo madax bannaan oo ay leedahay Tilmaan Media İnc. Tilmaan Media waxay utaagan tahay kor uqaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada. Waxay u soo tabisaa dhacdooyinka isla-waqtiga ay dhacaan si dhaxdhaxaadnima ah.

Nagala Soco

UGU DANBEEYAY

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo xalay Muqdisho lagu dilay

January 21, 2021
Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19

January 20, 2021
Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

Soomaaliya oo Qaramada Midoobay dayn ku leedahay

January 20, 2021

Qaybaha

  • AASIYA
  • AFRIKA
  • AMERIKA
  • BULSHO
  • CAAFIMAAD
  • CAALAMKA
  • CAYAARO
  • DHAQAALE
  • MAQAALLO
  • QORMO
  • SIYAASAD
  • SOOMAALIYA
  • TEKNOLOJIYAD
  • About us
  • Contact us
  • Sitemap

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved

No Result
View All Result
  • BOGGA HORE
  • SOOMAALIYA
  • CAALAMKA
  • SIYAASAD
  • DHAQAALE
  • QORMOOYIN
  • BULSHO
  • CAYAARO
  • TEKNOLOJIYAD

© 2020 Tilmaan Media Network - All Rights Reserved