Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta facebooka ay ku leedahay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay kulanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
“ Safaaradda Maraykanku waxay soo dhawaynayaa kulanka ay Dowladda Federaalka isugu yeertay Dowlad Goboleedyada si looga wada hadlo arrimo aad muhiim u ah oo ay kamid yihiin, doorashooyinka iyo ladagaalanka argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Iskaashiga iyo isfahmaku waxay lagama maarmaan u yihiin in horay loo socdo”.
Sidoo kale qoraalka kooban ee safaaradda waxaa lagu sheegay in Maraykanku taageerada Soomaaliya sii wadi doono si loo helo dimuqraadiyad, amni iyo barwaaqo.