Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa beeniyay in ay wax xiriir ah laleeyihiin jaamcad laga furay Muqdisho oo lagu sheegay in Qaramada Midoobay leedahay. Jaamacaddaan oo uu gudoomiye kayahay raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa wadata astaanta Qaramada Midoobay, magaceeduna waa Akaadeemiyadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNAS).
“Iyadoo laga jawaabayo su’aalo nala soo weydiiyay, waaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa inuusan jirin xiriir ka dhaxeeya hay’addaQaramada Midoobay iyo wax loogu yeeray Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Soomaalia”, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Qaramda Midoobay.
War saxaafadeeka ayaa lagu sheegay in UNAS aysan codsi usoo gudbin Qaramada Midoobay si ay u adeegsadaan magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay.
Bayaanka kasoo baxay UNSOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu socdo dadaal ay Qaramada Midoobay maxkamad kula tiigsan doonto maamulka Jaamacaddaas.
“Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu ku howlan yahay xiriirro uu la sameeyay maamulka Jaamacadda UNAS iyo mas’uuliyiinta u marti galiya website-ka caalamiga ah ee ay ku leeyihiin Internet-ka, waxayna xiriir kaas la mid ah la sameysay dhammaan bogagga kala duwan ee ay ku leedahay baraha buslahada ee sida aan fasaxa loo heysanin loogu isticmaalay magaca iyo astaanta QM. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay sharciga la tiigsaneysaa Jaamacadda UNAS, si arrintaasi loo joojiyo”.
Bishii lasoo dhaafay ee May 11 eedii ayay ahayd markii Jaamacadda ladaah furay, iyada oo ay xafladda kasoo qayb galeen madax katirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sida gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo raysalwasaarihii hore Cali Maxamed Geedi.
Cali Maxamed Geedi ayaa khudbadii uu kajeediyay xafladda daah furidda ku sheegay in Jaamacaddaan tahay guul usoo hooyatay dadka Soomaaliyeed iyada oo buuxin doonta baahidii loo qabay in dalka dibaddiisa loo aado waxbarashada sare.
Waxaa lasugayaa halka ay ku dambayso dooddaan u dhaxaysa jaamacadda iyo Qaramada Midoobay.